Tababarrada Dowladda
Tababarro ku saabsan qoraalka saxda ah ee Af-Soomaaliga oo la siiyo hay'adaha dowladda, si loo xoojiyo adeegsiga Af-Soomaaliga ee waraaqaha iyo dukumentiyada rasmiga ah.
GUDDOOMIYAHA AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaantu waxay ka go’an tahay ilaalinta iyo horumarinta afka Soomaaliga, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaan mudnaan siinaynaa cilmi-baarista, dhiirrigelinta hal-abuurka iyo gudbinta dhaxalkeenna qaran jiilasha soo socda.
Waxaan dhiirrigelinaynaa wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, aqoonyahannada, qorayaasha iyo dhallinyarada si loo kobciyo aqoonta loona ilaaliyo aqoonsigeenna Soomaaliyeed.
“Afkeenna, Dhaqankeenna iyo Suugaanteennu waa Aqoonsigeenna Qaran.”
Waxqabadka Akademiyada ee horumarinta cilmiga, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Tababarro ku saabsan qoraalka saxda ah ee Af-Soomaaliga oo la siiyo hay'adaha dowladda, si loo xoojiyo adeegsiga Af-Soomaaliga ee waraaqaha iyo dukumentiyada rasmiga ah.
Daabacaadda wargeyska “Dhambaal” iyo kaydinta cadadyadiisa, si loo diiwaangeliyo qoraallada, fikradaha iyo waxyaabaha muhiimka u ah afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Xoojinta xiriirka jaamacadaha iyo hay'adaha waxbarashada, iyadoo la horumarinayo iskaashiga cilmi-baarista, is-afgaradka iyo kobcinta aqoonta Soomaaliyeed.
Abaabulka doodaha cilmiyaysan ee ku saabsan arrimaha qaranka, ilaalinta deegaanka iyo difaaca danaha Soomaaliyeed, si loo kobciyo wacyiga iyo aragtida bulshada.
DAABACAADDA & QORAALLADA
Dhambaal
Cilmi-baaris
Hiddo-dhaqan
Akademiyadu waxay ka shaqaysaa ilaalinta dhaxalka Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista iyo kobcinta aqoonta bulshada.

Daraasaynta afka, dhaqanka, taariikhda iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Kobcinta qoraalka saxda ah, erey-bixinta iyo adeegsiga Af-Soomaaliga.

Diiwaangelinta, kaydinta iyo baahinta qoraallada iyo suugaanta Soomaaliyeed.

La shaqaynta aqoonyahannada, jaamacadaha iyo hay'adaha si loo ilaaliyo dhaxalka qaranka.
La soco wararkii ugu dambeeyey, cilmi-baarista, daabacaadaha iyo hawlaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta. Halkan kala soco dadaallada lagu horumarinayo Af-Soomaaliga, lagu ilaalinayo hiddaheenna iyo dhaqankeenna, laguna kobcinayo aqoonta iyo suugaanta Soomaaliyeed.