MUNAASABAD LAGU SOO BANDHIGAYAY WAXQABADKA AKADEMIYADA CILMIGA,DHAQANKA IYO SUUGAANTA

140

Xarunta Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta oo lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta

Muqdisho 21 Diseembar 2024;

Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo ka dhacday xarunta Akademiyada ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta.

Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Akademiyada Mudane Faysal Axmed Cabdulle ayaa munaasabadda furay isaga oo tilmaamay in Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf oo la yimid waxqabad muuqada muddadii halka sano.

Inta ay munaasadda socotay waxaa lasoo bandhigay muuqaal kooban oo soo koobaya waxqabadka Akademiyada ay aad ugu riyaaqeen dhammaan hawlwadeenada Akademiyada.

Xoghayaha Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada Mudane Axmed Cabdi Axmed ayaa dhankiisa hadal kooban jeediyay isaga carrabka ku adkeeyay in shaqa badan la qabtay inta dhimana lasii dardargelin doono.

Cilmibaare Maxamuud Warsame Faarax (Badmaceeye) ayaa tix suugaaneed ku cabiray waxqabadka muddadii sannadka ee uu Guddoomiye Ismaaciil joogay xafiiska Akademiyada.

Nafiso Xirsi Maxamed ayaa dhankeeda xustay inaan la dafari karin waxqabadka Guddoomiyaha Akademiyada islamarkaana waxa ay sheegtay inay ka rajeyneso inuu intaan kasii laba jibbaaro hawlaha adag ee horyaalla Guddoomiye Ismaaciil.

Agaasimaha Matxafka Qaranka Dr Cusmaan Geedoow ayaa hoosta ka xariiqay in Akademiyada ay heshay shaqsigii mudnaa, waxa uu ka dalbaday dhammaan hawlwadeenada inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Akademiyada mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa tilmaamay in hawlo badan ee yaalaan, isaga dhankiisa uu diyaar u yahay in kor loo qaado tababarada lasiinayo dhammaan hawlwadeenada Akademiyada, waxa uu sheegay in dhawaan lasoo bandhigi doono qorshaha ay Akademiyada ku shaqeyn doontp sannadka 2025ka.

Ugu dambeyn waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay xoghayihii hore ee Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada Mudane Maxamed Cabdulqaadir Daa’uud (istansa) oo uu ku muteestay hawl karnimo iyo muddadii uu ahaa xoghaya Guddiga shaqooyinka uu qabtay iyo 7 xubnood oo iyaga ahaa guddigii dib u dayactirka xarunta Akademiyada iyo sida ay ugu dhabar adeygeen hawsha ay qabteen.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta