Hordhac:
Maadaama ay Akadeemiyadu tahay Hay’ada Cilmi baariseed ee ugu wayn ee ay leedahay Jamhuriyada fadaraalka Soomaalia, waxay u aragtay in ay jirto baahi wayn oo loo qabo in la kobciyo xirfada qorayaasha iyo guud ahaan Cilmi baarayaasha soomaaliyeed gaar ahaan da’yarta hadda soo koraysa ee dhamaysay ama dhigataba jaamacadaha dalka, ama ka shaqeeya xarumaha Cilmi baarista ama ku haminaya in ay ka mid noqdaan qalin maalka, hadaba si loo xaqiijiyo arintaas waxay go’aansatay Akadeemiyadu in ay samayso Tababaro ku saabsan sida loo sameeyo Cilmi baaris, waxayna qabatay 09/09/2018, kulankii 1aad oo loo sameeyay cilmi baarayaal dhamaa “20”qof oo ka kala yimid jaamacadaha iyo xaruma Cilmi baariseed ee ku kala yaala guud ahaan magaalada Muqdisho.
Furitaanka Tababarka iyo geedi socodkiisii:
Tababarka waxaa la qabtay maalin Axad ah, waxaana ka soo qayb galay dhamaan dadkii loogu tala galay, waxaana la furay abaare 9:00am, waxaa furay Gudoomiyaha Akadeemiyada Mudane: Cabdiqaadir Nuur Xuseen “Maax” oo bogaadiyay hawshaan iyo wax tarka ay uleedahay dadka Soomaaliyeed iyo in loo soo xulay Tabarkaan Dad xirfadlayaal ah oo Khubaro ah si ay ugu haqabtiraan qalin maalka soo koraya siday xirfadooda u qurxin lahaayeen Cilmi baaris sax ahna u samayn lahaayeen.
Kadib waxaa hawsha la wareegay labadii Tababare oo kala ahaa:
Dr. Maxamed Faarax Good, oo ka hadlay Guud ahaan sida Cilmi baaris loo sameeyo waxa uuna sheegay in qofka cilmi baaraha ah laga rabo talaabada koobaad in uu Mushkilo dareemo, kadib uu is waydiiyo maxay faa’iido ledahay darasadani, waa maxay ujeedooyinkeedu, inuu sameeyo Su’aalaha Daraasada, Musdhaxaadka Daraasada, iyo ugu danbayn in uu xadido waqtiga iyo Goobtaba.
Dr. Cabdirisaaq Axmed Aadan, waxuu isna si xoog leh uga sheekeyay qaababka ugu muhiimsan ee Cilmi barista iyo kala duwanaanshaha maadooyinka Cilmi barista laga samaynayo oo kala ah Culuumta Tadhbiiqiga ah (Sayniska) iyo kuwa aan Tadhbiiqiga ahayn (Artska) waxaana loo kala adeegsadaa (Qualitative, Quantitative) ka dib waxuu sii faah faahiyay wadooyinka loo maro soo uruurinta Macluumaadka si loo gaaro Natiijo saxan oo loo gudbiyo Dad waynaha.
Si guud waxaa ka muuqatay Tababarka Firfircooni iyo ka qayb qaadsho dhanka ka qayb galayaasha ah iyo dadaal ay muujiyeen Tababarayashu, taas oo keentay in uu ku dhamaado Tabarku si farxad iyo dareen fiican leh oo aan la dareemin daal iyo waqtidheer midnaba, ka dib waa la qadeeyay waxayna isla galeen ka qaybgalayaashii Tababarayaashii iyo Madaxdii Akadeemiyadu Sawir Guud oo Sawir Xusuuseed ah.
Gunaanad:
Si guud Tabarku waxuu lahaa xiiso, waxaa ka muuqatay ka qaybgalayaasha in ay xiisaynayeen Tabarka, waxuu lahaa Tabarku Shahaado, waxaana rajaynaynaa in la joogteeyo Tabarada Noocaan oo kale ah, si loo baro dadka Soomaalida ah in ay wax kasta oo ku saabsan noolashooda u isticmaalaan Cilmi baaris si loo gaaroro natiijo sax ah oo Cilmiyaysan.
Cilmi baaristu waxay khusaysaa guud ahaan hool noolaleedkeena, wax kasta oo noolasha qayb ka ah oo marka la qabanayo aan lagu salaynin Cilmi baaris iyo qorshayna waxay u badantahay in uu fashilmo ama uu waqti badan iyo qarash laga baaqsan karay uu galo.
DAAWO SAWIRADA