WARBIXINTA SHIRKA TALABIXINTA IYO DIB U DHISKA GUDDIGA 4-AAD EE AFSOOMAALIGA

1193

hordhac kooban;

Shir heerkiisu aad u sarreeyo oo ay soo agaasintay Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, ayaa lagu qabtay Xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho, Shirkan oo ujeedadiidu ahayd tallobixinta iyo dibudhiska Guddiga afraad ee af-Soomaaliga yaa waxa uu socday muddo saddex maalmood ah oo ahaa (05-07, Oktoobar, 2020).

Shirkan waxa lagu casuumay oo kasoo qaybgalay Aqoonyahanno afka ku xeeldheer oo kakala yimi dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, sida maamul goboleedyada Dalka, Jamhuuriyadda Jabuuti, Kenya, Jigjiga iyo Talyaaninga.
Sidoo kale waxaa shirkan ka soo qeyb galay Aqoonyahanno iyo xeeldheerayaal afeed, dhaqanyaqaanno, Suugaanley iyo Masuuliyiin kala duwan oo dowladda ka socday, kuwaas oo isugu jirey Wasiiro iyo Xildhibaanada labada aqal.

Muddadii uu socday shirku waxa sifiican looga dooday qodobo dhowr ah oo ay kamdi yihiin:-
Muhiimadda dib u soo celinta Guddiga af-Soomaaliga.
Habraaca loo soo xulayo Guddiga
Tirada Guddiga uu noqonayo
Hawlaha iyo Waajibaadka Guddiga iyo ugu danbeyn
Qaabdhismeedka Guddiga af-Soomaaliga.
Ugu danbeyn shirku waxa uu ku gebagaboobay si guul ah, waxaaney ka qeyb-galayaashu ka mahadceliyeen sida fiican ee shirka losoo agaasimay iyo habka looga shaqeeyey bilicda Madasha shirka lagu qabtay oo ahayd Hoolka Cali Sugulle ee Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.
ALLAA MAHADLEH