XAFLADDA XIRITAANKA TABABRKA XIRFADDA KOMBUYUUTARKA

151

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maanta lagu qabtay xafladda xiritaanka tababarka xirfadda kombuyuuterka oo la siinayay gabadhaha ka hawlgala Akademiyada.

Muqdisho December 28 2024;

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiinayay gabdhaha ka hawlgala Akadeemiyada kuwaasi oo la baray xirfadda kombuyuutarka.

Agaasimaha waaxda hormarinta haweenka Xamdi Mahad Faarax ayaa ugu horreyn ka hadashay xafladda waxa ayna tilmaamtay in lasii labajibaari doono tababarada la siinayo gabadhaha ka shaqeeya Akademiyada si xirfaddooda sare loogu qaado.

Agaasimaha Matxafka Qaranka Dr Cusmaan Geedoow iyo Agaasimaha Tayadhawrka Waxbarashada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare marwo Maariya Zakariya ayaa hambalyo u diray gabdhaha nasiibka u yeeshay in ay ka faa’ideystaan tababarka waxa ayna tilmaameen in Guddoomiye Ismaaciil iyo agaasime waaxeedyada ay qabteen shaqo muhiim ah oo mudan in lagu ammaano.

Mas’uuliyiintii kale ee ka hadashay munaasabadda ayaa dhammaan waxa ay hambalyada farxadda la wadaageen dhammaan gabdhihii bartay xirfadda Kombuyuutarka, isla markaana shahaadooyinka la guddoonsiinayay.

Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismail Yusuf Osman ayaa waxa uu tilmaamay in arrinkaan ay farxad u tahay dhammaan hawlwadeenada Akademiyada, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in qorshaha Akademiyada ay kamid tahay in sare loo qaado xirfadda dhammaan hawlwadeenada Akademiyada.

Intaasi kadib waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay gabdhihii ka faa’ideystay tababarka ikraan Cabdinuur oo ah ardayadda kaalinta koowaad gashay ayaa la guddoonsiiyay abaal marin lacageed.

Sidoo kale shahaado sharaf ayaa la guddoonsiyay qaar ka tirsan hawlwadeenada Akademiyada kuwaasi oo ku muteestay in ay soo diyaariyeen Cilmibaarisyo ay ka faa’idessteen dhammaan hawlwadeenada Akademiyada.

DHAMMAAD                                                                                                              Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.