Akadeemiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta oo maanta kaalin weyn ka qaadaneysa shirweynaha 15aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed.
Muqdisho, Diseembar 17, 2024: Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa kaalin weyn ku leh shirweynaha 15aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed, qaar kamid ah hawlwadeenada Akademiyada ayaa soo bandhigay soo jeedino ay aad ugu riyaaqeen dhammaan kasoo qeybgalayaasha.
Suldaan Cabdi Siyaad ayaa soo jeediyay kaalinta Maansadu ku leedahay Afka , Sidoo Kale Nafiso Xirsi Maxamed ayaa iyaduna qeyb ka ahayd dood Cilmiyeed ku saabsan kaalinta Af Soomaaliga uu ku leeyahay Dawlad-dhiska iyo Midnimada Qaran.
Guddoomiye Akademiyada Mudane ismaaciil iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku sugan halka uu ka socdo shirweynaha 15aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed. Xubno kale oo ka tirsan Akademiyada oo iyaguna goobta ku sugan ayaa isu diyaarinaya in ay soo bandhigaan soo jeedino bulshada waxtar u leh.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta