Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane: Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qaybgaly kulan lagu qabtay Wasaaradda Waxbarashada, kaasoo looga soo horjeeday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku dooneyso Baddeena.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiir kuxigeenka, Wasiiru dowlaha, waxaana si aad ah looga soo horjeestay heshiiska ay wada saxiixdeen dowaladda Itoobiya Iyo maamulka Somaliland, kaas oo xad gudub ku ah Qaranimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed.
