DHAMEESTIRKA TABABARKA CILMIBAARISTA

2512

Muqdisho: 14-01-2024:

Waxaa manta xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta lagu soo gabagabeeyay tababar soconayay labo maalmood oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Cilmibaarista Akademiyada kaas oo ciwaankisa ahaa “habka tolmoon ee sameynta Cilmibaarista”.

Waxaa tababarka soo diyaariyay mid kamid ah howlwadeenada Waaxda waxana si mug leh uga faaiideystay shaqaalaha. Tababarkan oo ula jeedadiisa aheyd in kor loo qaado xirfada shaqaalaha waaxda Cilmibaarista si ay uga howlgalaan Cilmibaarisyada dalka.

Dhamaad

Xafiiska Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha