GUDDI-HOOSAADKA SUUGAANTA IYO DHAQANKA GUDDIGA AFSOOMAALIGA EE AKADEMIYADA

2427

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka qeyb galay soo jeedin ay sameenayeen Guddihoosaadka Suugaanta iyo Dhaqanka Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.

Muqdisho Sebtember 09 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay soo jeedin ay sameenayeen Guddihoosaadka Suugaanta iyo Dhaqanka Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.

Prof Cabdalla Cumar Mansuur, iyo Dhammaan hawlwadeenada Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa goobta ku sugnaa.

Xubin ka mid ah Guddihoosaadka Suugaanta iyo Dhaqanka Ustaad Maxamuud Cali Aadan ( Hoori) ayaa sharaxay Lafagurka iyo Gorfeynta Suugaanta oo ay soo diyaariyeen Guddihoosaadka Suugaanta iyo Dhaqanka oo ay u riyaaqeeyn Dhammaan hawlwadeenada Akademiyada.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahad celiyay Guddihoosaadka Suugaanta iyo Dhaqanka isaga oo tilmaamay in la sii laba jibbaari doono soo jeedinada ay sammeenayaan Guddihoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.