KALA DUWANAASHIYAHA SHIMBIRTA IYO MEELAHA AY KU NOOL YIHIIN

219

Xarunta Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maanta lagu soo bandhigay cilmibaaris laga sameeyay kala duwanaanshiyaha shimbirta iyo meelaha ay ku nool yihiin.

Muqdisho Oktoobar 9 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay soo jeedin uu sameenayay Agaasimaha Matxafka Qaranka Dr Cusmaan Geedoow, soo jeedinta ayaa ku saabsaneyd kala duwanaanshiyaha shimbirta iyo meelaha ay ku nool yihiin.

Agaasime waaxeedyada iyo qaar kamid ah shaqaalaha Akademiyada ayaa ka qeyb galay soo jeedintan, iyaga oo tilmaamay in ay wax ka badan ka faa’ideyn cilmibaarista uu soo bandhigay Dr Cusmaan Geedoow.

Soo jeedinta kadib waxaa la guda galay su’aalo weydiin iyo tala soo jeedin ku saabsan cilmiibaarista Dr Geedoow, iyaga oo hawlwadeenada Akademiyada ay soo bandhigeen magacyada loo yaqaano shimbiraha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahadceliyay Dr Cusmaan Geedoow isaga oo tilmaamay in Akademiyada ay tahay hay’ad Cilmibaariseed islamarkaana ay u furan tahay qof weliba oo soo bandhigaya cilmiibaaris waxtar u leh bulshada Soomaliyeed.

DHAMMAAD                                                                                                              Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.