Muqdisho, Diseembar 15, 2024:
- Afka mirifrirkiisiyo
- Buuni weeye Mansuur
- Mahwi weeye aan gurin
- Mufti weeye gaammurey
- Muqni weeye kaafiya
- Muguc weeye shaafi ah
- Mad-hab weeye teeri ah.
Maxay ka dhigantahay in Madaxweynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uu billadsharaf heer qaran ah u guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof.Annarita Puglielli ? Waxa ay ka dhigantahay Milgaynta iyo xurmaynta Qalinka,tixgelinta gaarhaya aqoonta, ilaalinta naftiihuraha cilmibaarista, bidhaaminta gudashada iyo garashada daljira, muujinta hormuudka iyo foolaadka danjiraha qalinka iyo qoraalka ummadda Soomaaliyeed.
Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuuriyo Xurmo Prof. Annarita waxa ay astaan u yihiin dadnimada iyo kartida qofka. Marka aad dheehato dhanbaallada taariikhda iyo galalka ummadaha kale waxa aad ogaanaysaa qiimaha iyo qaayaha ay leedahay in wax laga dhaado, laga gunto, laga weeleeyo, laga xigto, laga ururiyo geeddisocodkooda aqooneed iyo sahankooda ku qotoma waaya-aragnimada iyo dunwanaagga qofnimo.
Shirkan lagu maamuusayey Cilmibaarista iyo daaraasaadka waxa iska kaashaday Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya —Somali Studies International Association – (SSIA) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
BARE SARE CABDALLE CUMAR MANSUUR waa canqariye bulsho, ababiye dhallaan, gaadiidcelis qaran, marna waa layliyay qof kasta oo u hollada inuu qalinka mar uun wax ku duugo.Xeeldheere Cabdalle Cumar Mansuur waxa uu horay u yri : “Waxa ina mideeya, waa afka hooyee, aynu midayno, habdhigaalkiisa”. Badweyn moolkeedu fog yahay ayaa lagu tilmaamaa marka laga hadlayo qiimaha qalinka.Milggayn iyo maamuusid ayuu huwiyey Madaxweynaha Qaranku Pfof Cabdalle Cumar Mansuur. Qaranjabkii Soomaaliya ku habsadey waxa uu meesha ka saaray kaalinta cilmibaarista iyo ilaalintii qalinka iyo qoraalka.Taasina waxa ay keentay in dhaqankii baylah noqdo, sooyaalkii dhalan-rogmo, afkii dhimaal iyo hoos-u-dhac ku yurursado, cilmibaaristii na gaaggaxdo, gabaabsi noqoto haybtii ummaddu lahayd. Waxa se dhexda u xirtay inuu badbaadiyo wixii Soomaali lahayd maarshaalka garashada mudane maddaale Prof Cabdalla Cumar Mansuur.
Haddii aan qeyb ka mid ah waxqabadkiisa ina xusuusiyo waxa ka mid ah: Bahda Afafka Kushiitik iyo Taariikhda af Soomaaliga, Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed, Diiwaanka Ereybixnta Af Soomaaliga (1) (Ereybixnta Maamulka & Afka)—Mansuur (diyaarin & ururin), Diiwaanka Ereybixinta Af Soomaaliga (2) (Ereybixnta Cilmiga)—Mansuur (diyaarin & ururin), Diiwaanka Ereybixnta af Soomaaliga (3) (Ereybixnta Farsamada & Culuunta)—Mansuur (diyaarin & ururin), Le Lingue Cuscitiche e il Somalo (, La Storia della Religione Tradizionale del Cusciti (The History of the Cushitic Traditional Religion), Taariikhda Afka & Bulshada Soomaaliyeed, Habdhigaalka af Soomaaliga Guud —Midayn, Horumarin & Casriyayn, Barashada Naxwaha af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli, Qaamuuska af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli, Qaamuuska Dugsiyada af Soomaaliga —Mansuur & Annarita Puglielli, Seeska Naxwaha af Soomaaliga—Mansuur & Idiris M. Cali.
W/Q.Maxamuud Cali Aadan (Hoorri] cilmibaare ka tirsan Akademiyadda Dhaqanka, Cilmiga & Suugaanta, bare ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
