SAFIIRKA JAAMACADDA CARABTA U FADHIYA SOOMAALIYA

205

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ay wehliyaan Agaasimayaasha Qorsheynta iyo Maamulka ayaa kulan la qaatay safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya..

Muqdisho Deseember 30 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo ay wehliyaan Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdifataax Axmed Abubakar iyo Agaasimaha Qorsheynta Mudane Axmed Gacal ayaa kulan la qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bin Mutlaq Al-Cuteybi.

Guddoomiye Ismaaciil iyo Danjire Cabdullaahi Bin Mutlaq ayaa si aad ah uga wada hadlay xoojinta Afka Carabiga iyo sidii loo hirgelin lahaa Xarunta Tababarada iyo Daraasaadka Afka Carabiga.

Safiirka Jaamacadda Carabta ayaa bogaadiyay Akademiyada hawlaha ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in Jaamacadda Carabta ay diyaar u tahay taageeridda iyo garab istaaga Akademiyada.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa dhankiisa waxa uu ka mahadceliyay kulanka ay la yeesheen safiirka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dib loo soo nooleynayo xiriirkii Akademiyada ay la lahayd dawladaha Carabta.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta