SHIRKA DIBUHABEYNTA GUDDI HOOSAADYADA GUDDIGA AFSOOMAALIGA

1811

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane: Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa daahfuray shirka dibuhabeynta Guddi Hoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga oo socon doona muddo laba maalmood.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Akademiyadu ay tahay hay’ad cilmibaariseed, loona baahan yahay in la dardargeliyo shaqada adag ee hor taalla Guddiga Af Soomaaliga.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Af Soomaaliga in ay hawlaha Akademiyada iyo horumarinta af Soomaaliga sii xoojiyaan.

-DHAMMAAD-                                                                                                          Xafiiska Warbaahinta ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta