Munaasabad lagu soo bandhigayay istaraatiijiyadda iyo qorshaha hormarinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa lagu qabtay xarunta Akademiyada.
Muqdisho 06 jannaayo 2025; Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu soo bandhigayay istaraatiijiayadda iyo qorshaha horumarineed ee Akademiyada 2025-2029. Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Akademiyada Mudane Axmed Gacal ayaa ugu horreyn ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray diyaarinta istaraatiijiyadda isaga oo u mahadceliyay kooxdii kala shaqeysay.
Qaar kamid ah hawlwadeenada Akademiyada ayaa dhankooda waxa ay tilmaameen in Waaxda Qorsheynta ay ku mahadsan yihiin sida ay u soo bandhigeen istaraatiijiyadda iyo qorshaha lagu hormarinaayo Akademiyada islamarkaana la rabo in si wada jir ah loogaga shaqeeyo hormarinta Akademiyada.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in la gaaray qeyb kamid ah guusha, waxa uu u mahadceliyay Agaasime Gacal, kooxdii la shaqeysay iyo dhammaan hawlwadeenada Akademiyada.
Guddoomiye Ismaaciil ayaa carrabka ku adkeeyay in tilaabo oo loo qaado dhanka hormarka ay shaqaalaha qudhooda dareemayaan qanacsanaan, isaga oo tilmaamay in la fulinayo qorshaha iyo istaraatiijiyadda ay soo bandhigeen Waaxda Qorsheynta Akademiyada.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.