Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maalintii labaad shir guddoomiyay shirka qorshaha Istiraatiijiyadda Akademiyada ee shanta sano soo socota..
Muqdisho luulyo 14 2024:
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa shir guddoomiyay shirka qorshaha Istiraatiijiyadda Akademiyada ee shanta sano soo socota oo ay soo gudbisay Waaxda Qorsheynta ee Akademiyada.
Guddigii loo soo xilsaaray barnaamijkan ayaa koox koox isku kala qeybiyay iyaga oo ka doodayay sidii loo heli lahaa qorsho muhiim ah oo laga hirgeliyo Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.
Guddoomiye Ismaaciil ayaa waxa uu tilmaamay in Guddiga laga sugayo shaqa adag loona baahan yahay in ay xoogga saaraan dajinta qorshaha Istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socota isaga oo carrabka ku adkeeyay in maanka ku hayaan in bulshada Soomaaliyeed ay ka sugayaan hawlo adag oo mira dhal ah.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta
