Xeeldheere Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa maanta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ka jeediyey Taariikhda Qoraalka farta Soomaaliga.
Muqdisho, Febraayo 7, 2024.
Xeeldheere Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa Guddiga Af-Soomaaliga ee Akademiyada iyo hawlwadeennada kalaba u jeediyey Taariikhda qoraalka Farta Soomaaliga iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay Soo mareen Guddiyadii Af-Soomaaliga.
Xeeldheere Idaajaa ayaa ku dheeraaday kasheekeynta taariikhda qoraalka Farta Soomaaliga iyo sidoo kale heerarkii uu Soo maray dhismaha Guddiga Af Soomaaliga.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay suugaanta, isagoo ku soo koobay suugaanta afar qeybood oo kala ah. Gabay, glGeeraar, Jiifto iyo Hees.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane, Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa goobjoog ka ahaa kulanka waxa uuna bogaadin iyo mahadcelin ujeediyey Qoraa Sare Axmed Faarax Cali Idaajaa oo waqtigiisa usoo huray inuu u faa’iideeyo Guddiga Af Soomaaliga iyo hawlwadeennada Akademiyada.
Prof Cabdalla Mansuur iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku sugnaa hoolka Cali sugulle oo ah halka uu ka socday casharkii uu jeedinayey Xeeldheere Axmed Faarax Cali (Idaajaa).
Maalmihii la soo dhaafay Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ah hay’ad Cilmibaariseed ayaa waxaa ka socday dedaallo lagu hormarinaayo afka Soomaaliga.
-DHAMMAAD- Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo suugaanta
