Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa soo xiray tababar ku saabsan weerta Afsoomaaliga ee uu bixinayay Prof Cabdalla Mansuur.
Tababarkan ayaa waxaa ka faa’ideystay shaqaalaha Akademiyada Cilmiga Dhaqanka iyo Suugaanta iyo hawlwadeeno ka socday Akadeemiyo Goboleedka Afsoomaaliga ee AGA.
Xildhibaan Dr Cabdullaahi Rooble iyo Aqoonyahano uu ka mid yahay Prof Tooxow ayaa ku sugnaa tababarkan halka uu ka socday oo ah Akademiyada Cilmiga Dhaqanka iyo Suugaanta.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahad celiyay Prof Cabdalla Mansuur iyo xubnihii ka faa’ideystay Tababarkan waxa uuna tilmaamay in la sii balaarin doono Tababarada nuucaan oo kale ah.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warbaahinta ee Akademiyada
