waxaa maanta oo ay taariiqda tahay 02/12/2023. Ka furmay wasaaradda batroolka iyo macdanta soomaaliya tababar ku saabsan qoraalka qumman ee afka soomaaliga oo loo qabanayo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda batroolka tababarkaas oo ay bixinayaan xubno ka tirsan guddiga afsoomaaliga ee akadeemiyada cilmiga dhaqanka iyo suugaanta. Tababarkaan waxa uu socon doonaa muddo 5maalmood.
