Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane: Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa soo xiray Shirka Dibuhabeynta Guddi hoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga oo socday muddo labo maalmood ah.
Shirka intii uu socday, waxaa lagu falanqeeyey sidii dibuhabeyn iyo xeerhoosaadyo loogu sameyn lahaa Guddiga Af Soomaaliga.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa waxa uu sheegay in Guddiga Af Soomaaliga ay u taallo shaqo adag, loona baahan yahay in ay xubnihiisa ku dadaalaan sidii loo xoojin lahaa horumarinta af Soomaaliga.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay ka go’aan tahay in Guddiga Af Soomaaliga uu noqdo mid ka soo dhalaala waajibaadkii loo igmaday.
-DHAMAAD- Xafiiska Warbaahinta ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta
