Xubno ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maanta soo jeedino iyo dood cilmiyeedyo kaga qeybqaatay shirweynaha 15aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed.
Bilaal Qaasim ayaa soo jeediyay Afka Taliyaaniga saameynta uu ku leeyahay adeegsiga erayada Afka Soomaaliga, dhammaan kasoo qeybgalayaasha shirka ayaa aad ugu riyaaqay soo jeedintaasi.
Sahra Maxamed Axmed ayaa yadan qeyb ka ahayd dood Cilmiyeed ku saabsan isu dheelitirka hiddaha iyo casriga ee bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiye Akademiyada Mudane ismaaciil iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku sugan halka uu ka socdo shirweynaha 15aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed.
Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta