Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo Maxamed Cabdulqaadir Daa’uud ayaa khudbad soo dhaweyn ah ka jeediyay munaasabadda.
Mogadishu 21-febraayo 2024
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu sheegay In Akademiyada ay tahay hay’ad ka shaqeysa Hormarinta Af soomaaliga.
Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA Al ustaad prof Cabdalla Cumar Mansuur ayaa waxa uu tilmaamay in qiima weyn uu xambaarsan yahay Luqadda Af soomaaliga.
Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa sheegay in Afka uu mudan yahay in nafta loo huro.
Abwaan Maki xaaji banaadir iyo xildhibaan Cabdullaahi mire ayaa hadalo guubaabo ah ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo.
Ciyaara dhaqameed ayaa lagu Soo bandhigay munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo.
Wasiirka waxbarashada soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo tilmaamay in dib u eegista dastuurka lagu daray qodob madaxda ku waajibanaya in ay ilaaliyaa Afka hooyo.
DHAMAAD Xafiiska warbaahita Akademiyada
