Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay buugga “Heybso Dhaqankaaga”, oo uu qoray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

  • Home
  • Events
  • Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay buugga “Heybso Dhaqankaaga”, oo uu qoray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay buugga “Heybso Dhaqankaaga”, oo uu qoray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay qoraaga buugga Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Waxbarashada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa door muuqda ku lahayd munaasabadda, iyadoo hawlwadeennada Akademiyaduna si weyn uga dhex muuqdeen qabanqaabada iyo habsami-u-socodka munaasabadda.

Bandhigga buugga “Heybso Dhaqankaaga” ayaa fursad u ahaa in la muujiyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta, horumarinta iyo gudbinta dhaqanka Soomaaliyeed, si jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalkuba u bartaan una dhowraan hiddaha iyo dhaqanka ummaddooda.

Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa dadaal ugu jirta horumarinta aqoonta, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, iyadoo taageerta dadaallada lagu xoojinayo qoraalka, akhriska iyo kaydinta dhaxalka aqooneed ee bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARBAAHINTA AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA

Leave A Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *