Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa lagu qabtay dood-cilmiyeed ku saabsan duruufaha iyo xaaladaha ku xeeran fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, iyadoo doodda ay soo qabanqaabisay Waaxda Fanka iyo Suugaanta ee Akademiyada.
Dood-cilmiyeedka waxaa kasoo qaybgalay Guddoomiyaha Akademiyada, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, Maareeye Ku-xigeenka Golaha Murtida iyo Wacyigelinta, Abwaan Maki Xaaji Banaadir, Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Dhuux, Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi, Abwaan Bare Maxamed Fiidoow, Xildhibaan hore Prof Maxamed Cumar Dalxa, xubno ka socday Naadiga Qorayaasha Soomaaliyeed, iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.
Barnaamijka waxaa ugu horreyn furay Agaasimaha waaxda Fanka iyo Suugaanta Mudane Maxamuud Warsame Faarax ( Badmaceeye) oo soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha kana hadlay muhiimadda ay leedahay in la yeesho doodaha iyo kulamada lagu falanqeynayo xaaladda fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Intii uu barnaamijku socday, waxaa hadallo iyo aragtiyo kala duwan ka jeediyay masuuliyiintii iyo abwaanadii kasoo qaybgalay, kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay duruufaha ku xeeran fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, caqabadaha jira iyo sidii loo horumarin lahaa doorka ay fanka iyo suugaantu ku leeyihiin bulshada.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa soo xiray dood-cilmiyeedka, isagoo u mahadceliyay dhammaan martidii iyo ka qaybgalayaashii kasoo qaybgalay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo fanka, suugaanta, dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta






