ERAYBIXINTA AFSOOMAALIGA

152

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maanta lagu soo bandigay Cilmibaaris uu soo diyaariyay Ustaad Barre sheekh Cabdullaahi.

Muqdisho 06 November 2024:                                                                      Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Akademiyada Mudane Faisal Ahmed Abdulle ayaa daahfhray soo jeedin uu sameynayay Ustaad Barre Sheekh Cabdullaahi (Barre Bangaaladhesh) oo ah xubin ka tirsan Guddiga Af Soomaaliga.

Soo jeedintan ayaa waxa ay ku saabsaneyd Eraybixinta Af Soomaaliga, waxaana ka faa’ideystay dhammaan hawlwadeenada Akademiyada.

Soo jeedinta ka dib ayaa waxaa la guda galay su’aalo weydiin iyo ka doodista casharka uu soo diyaariyay Ustaad Barre.

Ugu dambeyntii, Agaasime Faysal Axmed Cabdulle ayaa soo xiray barnaamijka waxa uuna u mahadceliyay Ustaad Barre Bangaaladhesh dadaalkiisa ku aaddan cilmibaarista uu soo diyaariyay.

Waxa uuna ballanqaaday in la ballaarin doono cilmibaarisyada noocaan oo kale ah islmarkaan la casuumi doono bulshada qaybaheeda kala duwan, sidoo kalena waxa uu kula dardaarmay hawlwadeenada kale in ay soo diyaariyaan cilmibaarisyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Akademiyada.