Agaasimaha Maamulka Iyo Maaliyadda Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maanta soo xeray tababar la siinayay Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.
Muqdisho 27 jannaayo 2025;
Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdifitaax Axmed Abuubakar ayaa maanta soo xeray tababar la siinayay Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.
Tababarkan oo ku saabsanaa Cilmi-afeedka guddiga Af Soomaaliga ayaa waxa uu socday muddo saddax maalmood ah, waxaana tababarka bixinayay khubarro Afka ku takhasusay.
Agaasime Cabdifitaax ayaa waxa uu tilmaamay in lasii laba jibbaari doono tababarada la bixinayo si sare loogu qaado aqoonta hawlwadeenada Akademiyada, waxa uuna tilmaamay in tababarka hadda la siiyay Guddiga Af Soomaaliga uu wax badan ka tari doono hawlaha horyaalla Guddiga ee hormarinta Afka.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.