Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maanta lagu qabtay Doorashada Guddiga Goobshaqo ee Akademiyada.
Muqdisho 21 jannaayo 2025:
Waxaa maanta xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, lagu qabtay Doorashada Guddi Goobshaqo oo muhiim u ah hanaanka shaqada iyo shaqaalaha hay’adaha dowladda.
Ugu herein waxaa furay Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Faysal Axmed Cabdulle isaga oo sharaxaad ka bixiyay qaabka ay doorashada u dhaceyso. Intaas ka dib, waxaa la gudagalay doorashada xubnaha guddiga, iyadoona hawlwadeenada Akademiyada ay cod gacan taag ah ku doorteen xubnaha guddigan ee isa soo sharraxay oo ay tiradoodu gaareyso illaa toddobo xubnood.
Doorashadaan waxaa goobjoog ka ahaa guddi hoosaadka Kormeerka, Anshaxa & Abaalmarinta ee guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya, waxa ayna bogaadiyeen sida ay u dhacday.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismail Yusuf Osman ayaa bogaadiyey hanaanka ay u dhacday Doorashadaan, sidoo kalena la dardaarmay guddiga la doortay in ay shaqada u qabtaan si daacad ah, waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay shaqada guddigaan.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta