Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maanta daahfuray tababar la siinayay Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.
Muqdisho 25 jannaayo 2025;
Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta waxa uu daahfuray tababar la siinayay Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.
Tababarkan oo ku saabsanaa Cilmi-afeedka guddiga Af Soomaaliga ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddax maalmood ah waxaana casharada bixin doono khubarro Afka ku takhasusay.
Guddoomiye Ismail Yusuf Osman ayaa waxa uu tilmaamay in Akademiyada ay hadda haysato fursad loo baahan yahay in ay ka faa’ideystaan, maadaama macalimiintii Afka ay had iyo jeer garab taagan yihiin Akademiyada, isaga oo dhinaca kale kula dardaarmay xubnaha Guddiga in ay ka faa’ideystaan aqoon kororsigaan.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.