MA OGTAHAY MUQDISHO IN AY GUNDHIG U TAHAY (2-aad)

524

Ma ogtahay Muqdisho in ay gundhig u tahay(2-aad)

Arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha:

Waa magaalada uu ku yaallo suuqa ganacsi ee ugu weyn geeska Afrika.Waa magaalada ugu ganacsiga fiican dhulka  Soomaalida .Waa magaalada ugu huteellada badan magaalooyinka Soomaalida.Waa magaalada ay ku yaallaan shirkadah isgaarsiinta iyo xawaaladaha ugu badan dalka.Waa magaalada ay ku yaallaan bangiyada ugu badan ee dlka ka jira.Waa magaalada ugu badan wax dhoofinta iyo wax soo dejinta dalka.Waa magaalada ay ku yaallaan xafiisyada shirkadaha dayaaradaha kuwa ugu badan.Waa magaalada ay ka soo degaan daaaradaha ugu badan ee dalka,ayna ku soo xirtaan dekeddeda maraakiibta ugu badan ee dalka timaada.Waa magaalada dhaqaalaha ugu badan uu dowladda ka soo galo.

Arrimaha bulshada iyo degaanka

waa magaalada ugu weyn dhulka Soomaalidu degto, waa magaalada ugu cimillada fiican dhulka Soomaalida, waa magaalada ugu dadka badan guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, waa magaalada uu qof kasta oo Soomaali ah uu ku noolaan karo hadii uu yahay (taajir amd faqiir) waa magaalada aan qabiil lagu degin ee qof kasta meesha uu doono ka degi karo, waa magaalda uu ku yaallaan garoomaha ciyaaraha kuwa ugu badan iyo garoonka ugu weyn geeska Afrika,

Arrimaha siyaasada Soomaalida

  1. Waa magaalamadaxdii Soomaalidu meel ay joogtaba
  2. Waa magaaladii ugu horreysay ee lagu dhisay dowladdii midnimada Soomaaliya iyo Soomaaliland
  3. Waa magaaladii ugu horeysay ee laga taagay calanka midnimada Soomaaliya iyo Soomaaliland
  4. Waa magaaladii lagu mideeyay labadii gobal ee u horeeyay xornimada Soomaalida
  5. Waa magaalada ay ku taalo xaruntii madaxtooyada Soomaaliya
  6. Waa magaalada ay ku yaallaan xarumaha ugu badan, uguna waaweyn ee safaaradaha ajaaniibtu
  7. Waa magaaladii lagu aasaasay midowgii midnimada dhallinyarada Soomaalida