GUDDOOMIYAHA AKADEMIYADA OO ISKU SHAANDHEYN IYO MAGACAABIS SAMEEYAY.

71

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmig,Dhaqanka iyo Suugaanta oo isku shaandheyn iyo magacaabis sameeyay.

Muqdisho 28 jannaayo 2025;

Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo maalmahaan waday dadaallo lagu hormarinayo Akademiyada ayaa maanta waxa uu isku shaandheyn ku sameeyay agaasime waaxeedyada qaar ee Akademiyada, isaga oo xubno cusub u magacaabay agaasimayaal iyo lataliyaal.

Guddoomiye ismaaciil ayaa waxa uu tilmaamay in xubnaha la magacaabay ay yihiin dhammaantood xubno muddo kasoo shaqeeyay Akademiyada aynaan ku jirin kuwo bannaanka laga keenay, waxa uu carrabka ku adkeeyay in laga rabo inay gutaan waajibaadkooda.

8 Agaasime ,xubno la taliyayaal ah iyo maamulka xafiiska Guddoomiyaha ayaaa ahaa xubnaha maanta uu magacaabay guddoomiye Ismaaciil.

DHAMMAAD                                                                                                        Xafiiska Warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta