KAALINTA DHAQANKA UU KU LEEYAHAY NOLOSHA

101

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maanta lagu soo bandhigay Cilmibaaris uu sameyay Mudane Maxamed Cusmaan Maxamed (Fiiqoow)

Muqdisho 22 jannaayo 2025:                                                                                        Mudane Maxamed Cismaan Fiiqow Soomali oo ka tirsan hawlwadeenada Akademiyada ayaa maanta soo bandhigay Cilmibaaris uu cinwaankiisu ahaa Kaalinta Dhaqanka uu ku leeyahay nolosha.

Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismail Yusuf Osman, Agaasime waaxeedyada qaar iyo dhammaa hawlwadeenada Akademiyada ayaa ka qeybgalay Cilmibaarista uu soo Bandhigayay Mudane Fiiqoow.

Aqoonyahan Fiiqow ayaa si aad ah ugu dheeraaday ka sheekeynta Kaalinta Dhaqanka uu ku leeyahay nolosha isaga oo si aad ah u turxaanbixiyay Cilmibaarista uu soo bandhigayay oo ay si aad ah kaga faa’ideysteen dhammaan hawlwadeenada Akademiyada.

Prof Maxamed Cilmi Tooxoow Hornuudka Machadka Dhaqanka ee Akademiyada oo ugu horreyn hadalka qaatay ayaa waxa uu xusay in Machadka Dhaqanka ee Akademiyada uu ku hawlan yahay qorshayaal muhiim ah oo lagu hormarinayo dhaqanka.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa bogaadiyay hawlwadeenada qaar oo isaga si gaar ah isu xilqaama sidii ay u faa’ideyn lahaayee shaqaalaha Akademiyada, waxa uuna tilmaamay in hadda kadib qof kasta oo ka tirsan hawlwadeenada Akademiyada lagula xisaabtami doono Cilmibaarisyada ay soo bandhigayaan.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.