Muqdisho 27/ November/2024: Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Dawladda Taliyaaniga waxa ay Dawladdda Soomaaliya ku wareejisay hanti qaran oo ah dhaxal Ummadeed sida Buugaag, Dokomiintiyo iyo keyd ay leeyihiin Ummadda Soomaliyeed.
Xafladda waxaa kasoo qeyb galay wasiirka. Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiir ku xigeenka Caddaaladda iyo Dastuurka ,Xildhibaan Cabdullaahi Rooble, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, Guddoomiyaja Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga ee AGA, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Mudane Dr Gacal Safiirka Dawladda Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya iyo Mas”uuliyiin kale.
Prof Cabdalla Cumar Mansuur Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga ee AGA ayaa ka hadlay ujeeddada xafladda iyo inta ay soo socotay hawshan qiimaha badan. Dhammaan Mas”uuliyiinta ka hadashay xafladda waxa ay tilmaameen in maanta ay kaga dhigan tahay maalin qiima badan maalin taariikhi ah iyaga oo tilmaamay in ay xusid mudan tahay in lagu ammaanno hawshaan baaxadda leh labada Akademiyo oo hawshan isu xilqaamay.
Prof Anarita oo jaamacadda Roma madax uga ah qeybta Afafka oo iyadana aaladda fogaan aragga kaga qeyb qaadatay xafladda ayaa si qoto dheer kaga hadashay sidan ay dawladda Taliyaaniga ay u xifdisay hantidaan ay leeyihiin Ummadda Soomaaliyeed. Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf ayaa isna dhankiisa bogaadiyay hawsha baaxadda leh ee la qabtay iyo sida dawladda Taliyaaniga ayaad u ilaalisay keydka ay leeyihiin Ummadda Soomaaliyeed isaga oo carrabka ku adkeeyay in la ilaalin doono buugaagtaan iyo keydka oo ah dhaxal ummadeed.
Safiirka Dawladda Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Biyeer Mariyo Dacco ayaa dhankiisa u mahadceliyay labada Akademiyo iyo wasaaradda waxbarashada waxa uu tilmaamay in dawladda Taliyaaniga ay diyaar u tahay in dawladda Soomaaliya ay arrimo badan kala shaqeyso.
Ugu dambeyn wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane faarah Sheekh Cabdulqaadir ayaa aad ugu mahadceliyay prof Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof Anarita isaga oo xusay in wasaaradda ay dhawaan guddoonsiiin doonto billado qiima badan,dhanka kale wasiir faarax waxa uu xusay in labada Akademiyo ay shaqa adag u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Akademiyada.