TACSI

2814

 

GUDDOOMIYAHA AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA GUDDOOMIYE JAWAARI

Muqdisho June 28, 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Guud ahaan Hawlwadeenada Akademiyada ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Guddoomiye Jawaari uu ka soo qaatay horumarinta Af Soomaaliga Isaga oo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.

Guddoomiyaha Akademiyada ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ina ka siiyo dhammaanteen.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta