WASAARADDA QORSHAYNTA & MAALGASHIGA SOOMAALITA OO MAANTA LAGU GABAGABEEYAY TABABAR AY QAADANAYEEN SHAQAALAHA WASAARADDA QORSHAYNTA.
Muqdisho, Luulyo 04 2024;
Tababar ay qaadanayey shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta & Maalgashiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta Wasaaradda Qorsheynta.
Tababarkan oo socday Muddo shan maalmood ayaa waxaa bixinayay xubno ka tirsan Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.
Xubnihii tababarka qaadanayay ayaa maanta waxa ay qaateen cashar ku saabsan “Fanka Habqoraalka warqadaha rasmiga ah ee Xafiisyada Dowladda”, waxaana bixinayay casharkaas ustaad Maxamuud Cali Aadan (Hoorri).Sidoo kale; casharraada ay maanta qaateen waxaa ka mid ahaa “Xeerka Xiriiriyaasha iyo Meeleeyayaasha Af Soomaaliga” oo uu bixinayay Ustaad Cabdirisaaq Baraag Axmed.
Tababarkan, ayaa socday muddo shan maalmood, dhammaan xubnihii ka qeyb qaatay tababarkan ayaa loogu baaqay in sii gudbiyaan casharradii ay barteen intii lagu gudajirey qorasha lagu kobcinayo Habqoraalka af Somaaliga Qumman.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.







