KAALINTA AKEDEMIYADA IYO DARUUFAHA CUSUB EE SOMAALIDA

2715

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maanta lagu qabtay barnaamij ku saabsan kaalinta Akademiyada iyo daruufaha cusub ee soomaalida.

Muqdisho Luulyo 11 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta daahfuray barnaamij ku saabsan kaalinta Akademiyada iyo daruufaha cusub ee Soomaalida.

Barnaamijkaan waxaa soo jeedinayay Dr Maxamed Xuseen Macalin oo ah aqoonyahan ku takhasusay Taariikhda iyo Ilbaxnimada waxa uuna horay u qoray 12 buug oo ku saabsan arrimahaas.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo hadal kooban jeediyay ayaa tilmaamay in loo baahnaa barnaamijka nuucaan oo kale in laga Faa’ideysto si ay hawlwadeenada Akademiyada ay u fahmaan doorka Akademiyada iyo daruufaha cusub ee Soomaalida.

Dr Maxamed Xuseen Macalin ayaa dhankiisa ballan qaaday in inta awooddiisa ah oo u faa’ideyn doono dhammaan hawlwadeenada Akademiyada si ay u dardar galiyaan hawlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ismaaciil ayaa waxa uu u mahad celiyay Dr Maxamed Xuseen waqtigiisa sida uu ugu horay hawlwadeenada Akademiyada si ay qeyb kaga noqdaan aqoon kororsiga isaga oo tilmaamay in la soo dhaweynayo aqoonyahan weliba oo raba in uu u faa’ideeyo hawlwadeenada Akademiyada.

DHAMMAAD                                                                                                                Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta