Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loo sameenayay Alle ha u naxariisto Guddoomiye Jawaari.
Muqdisho June 29 2024;
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta ka qeyb galay aas qaran oo loo sameenayay Alle ha u naxariisto Guddoomiyihii horay ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Ismaaciil ayaa tilmaamay in Soomaaliya maanta uu ka baxay shaqsi qiima badan kana soo qeyb qaatay dib u dhiska dalka iyo Horumarinta Af Soomaaliga isaga oo Alle ka baryay in jannadiisa uu ku casuumo.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu tilmaamay in ay haboon tahay in Laga faa’ideysto shaqsiyaadka la midka ah Prof Jawaari ee lagu tuhmayo aqoonta dhaxal galka ah.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta







