AFBAR
Waa dhigane loogu talagalay in lagu dhigo dugsiyada waxbarashada ee sare iyo jaamacadaha. Waxa uu ka kooban yahay 5 cutub, kuwaas oo hoos ku faahfaahsan. Waa:
- SEESKA AFKA
- ASTAAMAHA DHIGAALKA
- SOOYAALKA SOOMAALIGA
- SUUGAANTA SOOMAALIYEED
- BARASHADA NAXWAHA
SOOC
Waa dhigane ka samaysmay dhammaantiis miraha ka soo baxay daraasad uu qoruhu ku sameeyay saamaynta uu afka Carabigu ku lee yahay afka Soomaaliyeed. Is na waxa uu ka kooban yahay shanta tusub soo hoos ku faahfaahsan.
KOW: cutubka kowaadi waxa uu ku saabsan yahay horudhaca, gogoldhigga iyo guudmarka qeexaya sababaha uu dhiganahani u samaysamay. LABA: cutubka labaadi waxa uu ku saabsan yahay aruurin lagu sameeyay erayada Carabiga ee aan Soomaaliga lahayn, kuwaas oo dhan 400 oo eray. SADDEX: cutubka saddexaadi waa aruurin lagu sameeyay erayada Carabiga ee Soomaaliga leh, kuwaas oo Soomaaliga ku dhex milan. Waxa ay dhan yahiin 800 oo eray. AFAR: cutubka afraadi waa aruurin qormo cusub oo daraasadda intii la waday dhalatay, taas oo uu qoraha dhiganuhu u bixiyay QAARDHALAD. Waa tiro erayo ah oo dhan 300 oo eray oo aan horay looga hadlin, kuwaas oo bandhigaa dhiganaha lagu daahfuri doono. SHAN: cutubkani waxa uu isugu jiraa xigasho iyo fagaasid lagu sameeyay daraasaddan daraasadahii ka horreeyay ee jaadkeeda ah; iyo gobagabooyinkii ay daraasaddu gaartay oo dhan.
Dhiganayaasha waxaa qoray Cabdirisaaq Baraag oo xubin ka ah Guddiga Horumarinta AFka ee ka hawlgala Akadeemiyadda Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta. Sidaas oo kale waxa uu barasare ka yahay Kulliyadda Afafka ee Jaamacadda Soomaaliyeed xarunteeda Muqdisho. Waxa uu ka dhigaa maadda Soomaaliga, iyo dhammaan wax kaste oo la xiriira Daraasaadka Soomaaliyeed, sida sooyaalka, juquraafiga, dhaqanka iyo suugaanta.
DHAMMAADWaaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta