AGAASIMAHA TELEFISHINKA DALSAN,XASAN CALI GEESEY OO BOOQASHO KU YIMID XARUNTA AKADEMIYADA

90

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka Suugaanta ku soo dhoweeyay Agaasimaha Telefishinka Dalsan, Mudane Xasan Cali Geesey oo booqasho ku yimid Xarunta Akademiyada.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa Agaasimaha Telefishinka Dalsan ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay wadaan, isaga oo ku dhiirrigaliyay in ay sii labajibbaaraan. Sidoo kale, Guddoomiye Ismaaciil ayaa uga mahadnaqay Agaasime Xasan Cali Geesey sida wanaagsan ee Telefishinka Dalsan uu uga qeybqaato hawlaha qaran ee ay Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta u hayso Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Agaasimaha Telefishinka Dalsan ayaa isla gartay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan hawlaha Akademiyada ee ay ugu horreeyaan: horumarinta af Soomaaliga, dardargalinta cilmibaarista iyo ilaalinta dhaqanka iyo hiddaha ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta