Xeeldheere Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo suugaanta.
Muqdisho Febraayo 5,2024
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa xarunta Akademiyada ku soo dhaweeyey Xeeldheere Axmed Faarax Cali (Idaajaa).
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf ayaa xeeldheere Axmed Faarax Cali (Idaajaa) sharraxaad ka siiyey hawlaha baaxadda leh ee ka socota Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo udiyaar garowga Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.
xeeldheere Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ayaa aad ugu riyaaqay shaqada ka socota Akademiyada, waxa uuna tilmaamay in Alle ka sokow arrimahan looga mahad celiyo, uuna mudan yahay Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo dadaal ku bixiyey sidii ay u muuqan lahaayeen hawlaha ka socda Akademiyada.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu carrabka ku adkeeyey in Akademiyada ay waddo dadaallo ku aadan sidii loo soo uruurin lahaa xeeldheerayaasha afka Soomaaliga si aqoontooda looga faa’ideysto.
-DHAMAAD- Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga Dhaqanka iyo suugaanta.







