BANDHIG BUUG OO LAGU QABTAY MAGAALADA MUQDISHO

274

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa ka qeybgalay bandhig buug oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho 10 December 2024:                                                                            Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay bandhigga Manhajka Kulliyadda Injineeriya ee uu qoray Eng Prof Cabdullaahi Maxamuud Xuseen (Yaabisdiid) oo kamid ah Macallimiinta Kulliyadda injineeriya.

Buuggan ayaa ah buuggii ugu horreeyay ee injineeriya oo Af Soomaali lagu qoray, dhammaan dadkii ka qeyb galay bandhigga buuggan ayaa waxa ay tilmaameen in ay faa’iido u arkaan buuggaasi.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa waxa uu tilmaamay in si gaar ah ay farxad galineyso inuu arko buug lagu qoray Afka Soomaaliga isaga oo carrabka ku adkeeyay In Eng Cabdullaahi Maxamuud Xuseen (Yaabisdiid) in buuggan uu maskax galiyay bulshada iyo guud ahaan bahda waxbarashada la rabo in ay ka faa”ideystaan buuggaasi iyo waxa ku qoran.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay qorayaasha Soomaaliyeed in buugaagtooda ay ku qoraan Afka Soomaaliga ah si bulshada ay u fahmaan nuxurka buugga uu xambaarsan yahay.

DHAMMAAD.                                                                                                            Waaxada Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta