BANDHIG SI WADAJIR AH AY U QABTEEN HAY’ADDA UNICEF, SOMALI ARTS FOUNDATION(SAF) IYO MATXAFKA QARANKA.

1804

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo Muqdisho uga qeyb galay bandhig si wadajir ah ay u qabteen Hay’adda UNICEF, Somali Arts Foundation (SAF) iyo Matxafka Qaranka.

Muqdisho luulyo. 15. 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa Muqdisho uga qeyb galay bandhig ku saabsan dhibaatooyinka heysta Carruurta Soomaaliyeed oo ay si wadajir ah u qabteen hay’adda UNICEF, Somali Arts Foundation (SAF) Iyo Matxafka Qaranka.

Bandhigan oo lagu qabtay xarunta Matxafka Qaranka ayaa Guddoomiye Ismaaciil iyo Mas’uuliyiintii kale ee goobta ku sugeneyd waxa ay mid mid u kormeereen goobihii sawirada lagu soo dhajiyay.

Guddoomiyaha Akademiyada ayaa waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in bandhigyada nuucaan oo kale la dhiirregeliyo si ay u noqoto wacyi gelin.

Madaxda hay’adda UNICEF iyo Mas’uuliyiin kale oo ku sugnaa goobtaas waxa ay tilmaameen in sawirada carruurta ee lagu dhajiyay Matxafka Qaranka ay yihiin sawiro laga soo qaaday carruurta ku nool Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur galabeed ayna qorsheynayaan in ay sii ballaariyaan.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ismaaciil ayaa u mahadceliyay madaxda hawshaan isu xilqaantay islmaarkaana waxa auu carrabka ku adkeeyay in Akademiyada barnaamijyada nuucaan oo kale ay dhiirregelin doonto.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta