BANDHIGA BUUGGA TIROOLEYDA SHIRIBKA

193

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maanta lagu qabtay Bandhigga Buugga Tirooleyda Shiribka.

Muqdisho 10, August 2024:                                                                            Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta ka qeyb galay Bandhigga Buugga Tirooleyda Shiribka ee uu qoray Prof Maxamed Cilmi Tooxow oo ah Hormuudka Machadka Afka iyo Dhaqanka ee Akademiyada. Dhammaan hawlwadeenada Akademiyada iyo marti sharaf kale oo la casuumay ayaa goobjoog ka ahaa banddhigga buuggan.

Prof Maxamed Cilmi Tooxow oo ah qoraaga buuggan ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta marxaladihii kala duwanaa ee uu Soo maray qoraalka buuggan, intaasi kadib waxaa la guda galay doodo iyo Su’aala weydiin la xariirta Buugga Tirooleyda Shiribka.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa u mahadceliyay Prof Maxamed Cilmi Tooxow oo ah Hormuudka Machadka Afka Iyo Dhaqanka isaga oo ku booriyay in uu ballaariyo buuggan oo ah mid qiima badan, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in Akademiyada ay markasta diyaar u tahay in ay soo dhaweyso qof weliba oo bulshada wax u soo bandhigaya.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada