Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo xalay Magaalada Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Buuga Qeydaddaar.
Bandhiggan waxaa ka soo qeyb galay madax iyo masuuliyiin ka socotay Golaha Wasiirada, Garsoorka, Baarlamaanka, Bahda Sharciga, Bahda Waxbarashada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Guddoomiye Ismaaciil ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabadda lagu soo bandhigayay buugga Qeydaddaar, waxa uu tilmaamay in ahmiyad gaar ah uu ku fadhiyo Buuggan qiimaha badan isaga oo xusay in ay ay mudan tahay in laga faa’ideysto, Akademiyada ay kaalinteeda qaadan doonto.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahad celiyay qoraaga buugga iyo guddigii soo qabanqaabiyay munaasabadda Bandhigga Buugga Qeydaddaar.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta