Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka qeyb galay barnaamij lagu soo bandhigayay Carruurta Baydhabo.
Muqdisho 27 August 2024;
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay bandhig ku saabsan Carruurta Baydhabo oo lagu qabtay Matxafka Qaranka.
Bandhigan oo si wada jir ah ay u qabteen Ha’adda UNICEF,Somali Arts Foundation SAF iyo Matxafka Qaranka ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay xaaladda carruurta ku nool xeryaha barakacayaasha iyo sida rajadoodu tahay. Sawiradii la soo bandhigay ayaa ka tilmaamay in aan loo arkin caruur ku nool xero barakac balse loo arko in ay yihiin Carruur Soomaliyeed.
Guddoomiye ismaaciil ayaa tilmaamay in had iyo jeer ay Akademiyada ka shaqeyneyso soo nooleynta Matxafka isaga oo geesta kale fariin u diray in ay isu xilqaamaan in ay Matxafka keenaan alaabihii dhaqanka ee la dhigi lahaa.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil ayaa maalmaahaan waday dadaalo lagu hormarinayay Matxafka Qaranka.
DHAMMAAD Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada