BANDHIGIDDA CILMIBAARISYO KU SAABSAN AF SOOMAALIGA.

599

GUDDOOMIYAHA AKADEMIYADA AYAA MAANTA KA QEYBGALAY SOO BANDHIGIDDA CILMIBAARISYO KU SAABSAN AF SOOMAALIGA.

Muqdisho luulyo 31 2024;                                                                                  Guddihoosaadka Ereybixinta iyo Tarjumaadda ayaa maanta soojeediyay labo cilmibaaris oo lafagurayay saamaynta afafka Talyaaniga iyo Carabigu ku leeyihiin af Soomaaliga, dhinac kasta oo ay tahay.

RAADADKA AF TALYAANIGU KAGA TAGAY AF SOOMAALIGA                                          Cilmibaarista kowaad ayaa faaqidaysay saamaynta iyo raadadka uu af Talyaanigu kaga tagay ama uu ku yeeshay af Soomaaliga, haddii ay noqon lahayd xag waxbarasho, garsoor, dawladnimo iyo qeybaha kale ee nolosha bulshada. Cilmibaaristan ayaa sidoo kale muujisay sida af Talyaanigu u barabixiyay ereyo badan oo af Soomaali dhalad ah ahaa, oo uu u soo kordhiyay ereyo badan oo qalaad. Gabagabada cilmibaarista ayaa lagu caddeeyay saamaynta taban iyo midda togan ee af Talyaanigu kaga tagay af Soomaaliga iyo si guud sida loo maarayn karo ereyada qalaad ee af Soomaaliga ku soo badanaya.

INTEE AYAY DHAN TAHAY SAAMAYNTA UU CARABIGU KU LEEYAHAY SOOMAALIGA?Cilmibaarista labaad ayaa soo bandhigaysay sida dhow ee uu af Carabigu u raadeeyay af Soomaaliga, maadaama af Carabigu yahay afka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, qodobkiisa 4aad, farqaddiisa 1aad. Cilmibaarista ayaa soo koobtay ereyada af Carabiga ah ee af Soomaaliga ku jira, siyaabaha ay ku Soomaaliyoobeen iyo sida ay ummadda Soomaaliyeed ku soo gaareen, iyada oo tiirka ugu weyn ee af Carabigu ummadda Soomaaliyeed ku soo gaaray ay tahay diinteenna suubban ee Islaamka.

Gabagabadii, Guddoomiyaha Guddiga Af Soomaaliga ayaa soo xiray kulankii maanta, isaga oo bogaadiyay dadaalka Guddiga Af Soomaaligu ugu jiro horumarinta cilmibaarisyada afka iyo ilaalintiisa. Guddoomiye Ismaaciil ayaa sidoo kale boorriyay cilmibaarisyada qiimaha leh ee ay soojeediyeen Guddihoosaadka Ereybixinta iyo Tarjumaadda, waxa uuna ku guubaabiyay in ay sii labajibbaaraan.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta