HILINNADA MAANSADA SOOMAALIYEED

147

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maanta lagu qabtay barnaamij ku saabsan hilinnada maansada Soomaaliyeed.

Muqdisho, Luulyo 24, 2024

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta ka qeybgalay barnaamij ku saabsan maansada Soomaaliyeed.

Barnaamijkaan waxaa soojeedinayay Mudane Cali Maxamuud Axmed (Boojac) oo laashin iyo cilmibaare suugaaneed, isaga oo ku dheeraaday ka sheekaynta qeybaha maansada iyo hilinnada ay ku aroorto.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo hadal kooban jeediyay ayaa tilmaamay in loo baahnaa barnaamijka noocaan oo kale in laga faa’iidaysto si ay hawlwadeennada Akademiyada ay u fahmaan maansada Soomaaliyeed iyo hilinnadeeda.

Inta uu barnaamijku socday waxaa la isweydaarsaday weydiimo iyo doodo dux badan oo ku saabaan maansada iyo sida ay u adeegsadaan bulshada dega gobollada qaar ee dalkeenna Soomaaliya.

Ugu danbayn, Guddoomiye Ismaaciil ayaa waxa uu u mahadceliyay oo bogaadiyay laashin Cali Maxamuud Axmed (Boojac) waqtigiisa sida uu ugu huray hawlwadeennada Akademiyada si ay qeyb kaga noqdaan aqoonkororsiga isaga oo tilmaamay in la soo dhowaynayo aqoonyahan walba oo raba in uu u faa’iideeyo ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta