Waaxda Cilmibaarista ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maanta xarunta Akademiyada ku soo bandhigay Cilmibaaris ka hadlaysa maandooriyaha.
Muqdisho Maarso 10, 2024.
Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ah hay’ad ku suntan Aqoon iyo Cilmibaaris ayaa maanta lagu soo bandhigay Cilmibaaris ay sameeyeen waaxda Cilmibaarista Akademiyada oo ay ka sameeyeen dhibaatooyinka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa goobjoog ka ahaa halka lagu soo bandhigayey Cilmibaaristan.
Dr. Anwar Cabdifitaax Bashiir iyo Maxamed Muuse oo ka tirsan waaxda Cilmibaarista ayaa soo jeedinayey Cilmibaaris ay sameeyeen Waaxda Cilmibaarista, iyadoona su’aalo laga weydiiyey Cilmibaaristan ay sameeyeen.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo maalmahan wada dadaallo ku aaddan sidii Akademiyada ay xoogga u saari lahayd arrimaha Cilmibaarista Dhaqanka iyo Afka ayaa tilmaamay in mudnaanta koowaad uu siinaayo arrimaha Cilmibaarista, isagoo tilmaamay in qof walba oo Cilmibaaris samaynayo albaabka Akademiyada uu u furan yahay.
DHAMMAAD Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.







