CILMIBAARIS KU SAABSAN HORUMARINTA LAHJADAHA.

1245

GUDDIHOOSAADKA CILMIBAARISTA IYO HORUMARINTA LAHJADAHA OO SOO BANDHIGAY CILMIBAARIS KU SAABSAN HORUMARINTA LAHJADAHA.

Muqdisho. Auguest. 2. 2024;                                                                          Guddihoosaadka Cilmibaarista iyo Horumarinta Lahjadaha ayaa maanta xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ku soo bandhigay cilmibaaris ku saabsan isbarbardhigga lahjadaha iyo horumarintooda. Cilmibaarista ayaa dul istaagtay ahmiyadda lahjaduhu u leeyihiin horumarinta iyo hodantinimada Af Soomaaliga iyo sida lahjadaha Af Soomaaligu isu kaabaan. Sidoo kale, Cilmibaarista ayaa qaadaadhigtay lahjado dhawr ah oo leh ifafaalayaal u gaar ah, sida lahjadda Dabarraha, Tunnida, Mahaawga (Karraha/Garraha) iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, isla markaasna ah Guddoomiyaha Guddiga Afaraad ee Af Soomaaliga Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ugu dambayntii bogaadiyay daraasadda qiimaha leh ee ay soojeediyeen Guddihoosaadka Lahjadaha, isaga oo si guud Guddiga Af Soomaaliga iyo si gaar ah Guddihoosaadka Lahjadaha ku dhiirrigaliyay sii horumarinta Cilmibaarista Afka, Dhaqanka iyo Hiddaha Ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta