SUUGAANTII LOOGAGA QEYBQAATAY XORREYNTA DALALKA AFRIKA

1038

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo lagu soo bandhigay qaar ka mid ah suugaantii loogaga qeybqaatay xorreynta Dalalka Afrika.

Muqdisho Sebtember 21 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay soojeedin uu sameynayay Cilmibaare Maxamuud Warsame Faarax (Badmaceeye).

Soojeedinta ayaa waxa uu cinwaankeedu ahaa (Qaar ka mid ah suugaantii loogaga qeybqaatay xorreynta Dalalka Afrika), Agaasimayaasha Akademiyada iyo dhammaan hawlwadeenada Akademiyada ayaa u riyaaqay soojeedinta uu sameeyay Cilmibaare Maxamuud Warsame Faarax (Badmaceeye).

Guddoomiye Ismaaciil ayaa uga mahadceliyay Cilmibaare badmceeye sida uu isugu xilqaamay soo jeedintan, isaga oo hoosta ka xariiqay in qof weliba oo ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta laga rabo in uu soo diyaariyo cashar waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.