DOOD CILMIYEED KU SAABSAN MUHIIMADA DEEGAANKA IYO SIDA LOO ILAALIN KARO

182

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maanta lagu qabatay dood cilmiyeed ku saabsan Muhiimadda Deegaanka iyo sida loo ilaalin karo.

Muqdisho June 05 2024;                                                                                          Iyada oo ay maanta ku beegan tahay 05 bisha June oo ah maalinta Deegaanka Adduunka ayaa xarunta Akademiyada waxaa lagu qabtay Dood cilmiyeed ku saabsan Muhiimadda Deegaanka iyo sida loo ilaalin karo.

Ku simaha Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Cabdifataax Axmed Abuubakar Agaasime waaxeedyada iyo dhammaan hawlwadeenada Akademiyada ayaa goob joog ka ahaa dood cilmiyeedkan.

Ugu horreyn waxaa furay dood cilmiyeedka Mudane Axmed Cabdi kariin xirsi oo ah mas’uul ka tirsan machadka Seyniska Waxa uu ka sheekeeyay muhiimadda maanta ay ugu fadhsio bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan deegaanka.

Cilmibaare Maxamuud Warsame Faarax Badmaceeye ayaa isna dhankiisa soo bandhigay maanso ku saabsan deegaanka oo ay aad ugu riyaaqeen ka soo qeb galayaasha.

Intaasi kadib waxaa la guda galay dood cilmiyeedka waxaana ka qeyb galay Prof Maxamed Cilmi Tooxow, Ustaad Muxyadiin Axmed Cabdulle iyo Mr Maxamed Muuse Abuukar, oo dhammaantood soo bandhigay dood cilmiyeed ay wax badan ka faa’ideen ka soo qeb galayaasha.

Ugu dambeyn waxaa soo xeray Ku simaha Guddoomiyaha Akademiyada ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdifataax Axmed Abuubakar oo u mahad celiyay machadka Seyniska ee Akademiyada mas’uuliyadda ay iska saareen qabanqaabada dood cilmiyeedkan isagoo waaxyaha kale ku booriyay in ay soo diyaariyaan Cilmibaarisyo ay bulshadu Ka faa’ideysan karaan.

DHAMMAAD                                                                                                            Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta