SHIRKA WADATASHIGA SHAQAALAHA AKADEEMIYADA

149

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo lagu qabtay doodcilmiyeed ku saabsan qaabka loo hormarin karo, isbaddalna

loogu sameyn karo hawlaha Akademiyada.

Muqdisho Deseember 29 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, Agaasimewaaxeedyada iyo Dhammaan hawlwadeenada Akademiyada ayaa ka qeybgalay dood cilmiyeed ku saabsan qaabka loo hormarin karo, isbaddalna loogu sameyn karo hawlaha Akademiyada.

Inta uu socday doodcilmiyeedkan waxaa lasoo bandhigay doodo wax ku ool ah oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah agaasimewaaxeedyada Akademiyada.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf oo muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu hormarinayo Akademiyada ayaa waxaa uu sheegay in sannadka hadda inagu soo aadan Akademiyada ay la imaan doonto qorshayaal muhiim ah oo waxtar uleh bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in la badin doono kulamada lagu dardargelinayo hawlaha adag ee horyaalla hawlwadeennada Akademiyada,isaga oo xusay in shaqaalaha Akademiyada ay mar weliba muujiyaan isku duubni.

DHAMMAAD                                                                                                                Waaxda warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Akademiyada.